Akhriso: Warbixin Ka Hadleysa Faa’idooyinka Caafimaad Ee Cabista Biyaha
Biyo la cabo waa caafimaad
Biyaha waxay qeyb muhiim ah ka qaataan caafimaadka qofka.
Biyuhu waxay ka kooban yihiin boqolkiiba 50 ilaa 70 miisaanka jirka qofka qaangaarka ah. Haddii aanu qofku cabin biyo waxaa soo koobnaanaysa waqtiga uu noolaan karo.
Biyihu waxay gacan ka geystaan kobaca jirka. Waxay sidoo kale gacan ka geystaan hababka wasakhda looga saaro jirka, xaddiga kulayka ee jirka .
Biyuhu marka ay jirka ka baxaan, oo ay raacaan kaadida, saxarada iyo dhididka, waxaa qasab noqonaysa in biyahaasi dib loo cusbooneysiiyo, qofka waxaa uu markaas u baahanayaa in uu cabo sharaab, sida biyaha, shaaha iyo cabitaannada noocyada kala gedisan ah.
Halkee buu jirku biyaha ka helaa?
Jirku waxaa uu biyaha ka helaa saddex ilood:
kow waa cabitaanka caadiga ah sida biyaha iyo cabitaannada kale ( shaaha, qaxwada iyo wixii la mid ah)
Waxaa kale oo uu jirka ka helaa biyaha cunnada caadiga ah ee la cuno siiba qudaarta ( xitaa cunnada sida rootiga waxay leedahay qeyb yar oo dareere ah).
Inta badan dadka caafimaadka qaba ee qaangaarka ah inta u dhaxeysa liitar iyo bar ilaa saddex liitar oo biyo ah ayey u baahan yihiin maalintiiba marka waa in qofku hiigsadaa inuu cabo ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah maalintiiba.
Intaas waxaa u dheer qofku in sidoo kale uu cabo cabitaannada kale sida shaaha iyo sharaabka kale ee la sameeyo.